Puntland oo sheegtay in Viisa lagu soo gelaayo deegaanadeeda

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Amniga maamul goboleedka soomaaliyeed ee Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil ay sheegay in wixii xilligaan ka dambeeya deegaanada Puntland uusan soo galeyn qof Viiso ama dalkugal la’aan ah.
Waxa uu sheegay in Puntland ay Sharciga horgeyn doonto ciddii Viiso la’aan soo gasho deegaanadeeda .
Sido kale wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in ciidamada amniga ay fasax u qabaan ama loo oggolyahay inay qabtaan ruuxii si sharci darro ah ku gala deeganada Maamulkaasi.
Waxaa uu dhanka kale ku nuuxnuuxsaday inaan marnaba la oggolayn tahriib ama socdaalka sharci darrada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here