Puntland oo sheegtay inay dileen Xubno Daacish ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tabaran ee loo yaqaano PSF-ta ee Maamulka Puntland ayaa la soo sheegaya in howlgallo qorsheysan ay ka fuliyeen dhulka buuraleyda ah ee Gobolka bari, halkaasoo ay dagaal kula galeen Xubno ka tirsan Daacish-ta Soomaaliya.
War kasoo baxay Taliska Ciidamada PSF-ta Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka sigaar ah looga fuliyay deegaannada Tuurmasaale iyo Camayra ee Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari,isla markaana dagaal deegaannadaasi ka dhacay ay ku dileen 20 ka tirsan dagaalamayaasha Daacish ee halkaas ku sugnaa.
Howlgalkaas ayaa waxaa lagu sheegay in dadka lagu dilay uu ku jiray sarkaal sare oo ajnabi ah kooxda Daacishna u qaabilsanaa tababarada, xiriirka caalamka, iskuna xiri jirey Daacishka Soomaaliya iyo kuwa ka dagaalama caalamka kale,Soomaaliyana Sugnaa ilaa 2014-kii sida lagu sheegay Warka kasoo baxay Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay.
Ugu dambeyn Maamulka Puntland ayaa sheegtay in howlgalkaan ay ku bur buriyeen Xarun keyd u aheyd Daacish oo ay dhigan jireen waxyaabo ay kamid ahaayeen raashin,daawooyinka,rasaasta iyo waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada,hayeeshee ma sheegin khasaaro dagaalkii dhacay kasoo gaaray Ciidamada Puntland ee Howlgalka Fuliyay.
Dhulka Buuraleyda ah ee Gobolka Bari ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Maamulka Puntland iyo Kooxda Daacish,waxaana Puntland ay sheegtaa in Buurahaas laga soo abaabulay weeraro dhowr ah oo ka dhacay Gobolka Bari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here