Puntland oo soo bandhigta Baaritaanka Qarixii lagu dilay Gudoomiyihii Gobolka Nugaal

29-kii Bishii Maarsoo ee sanadkaan 2020-ka ayaa qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal waxaa lagu dilay Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir), waxaana Puntland Lix Bilood kadib ay Maanta soo bandhigtay baaritaanka lagu sameeyay dilka Gudoomiayah.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Puntland ayaa sheegay in kiiskaasi baaritankiisa uu soo geba-gaboobey, isla markaana ay hayaan dad loo qabtay weerarkaasi qaraxa ahaa, dhawaana soo bandhigi doonaan sida uu u dhacay falka lagu qaarajiyay Gudoomiye gu’jir .
Waxaa uu sheegay guddoomiyaha in dadka falkaasi loo haayo ay ku jiraan gacanta Hay’adaha Amniga Puntland dhawaana ay u gudbin doonaan Hay’adaha Garsoorka si ay u Maxkamadeeyaan wallow uusan sheegin tiradad dadka ay u hayaan kiiskaas.
Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Bulshada ku nool degaannada Puntland ay heli doonaan xaqiiqada sida uu u dhacay weerarkii qaraxa ahaa ee lagu dilay guddoomiyihii Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir),.
Marxuum Cabdisalaan Gu’jir, Guddooomiyihii Gobolka Nugaal ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin ahaa oo 29-kii Bishii Maarso lagula eegtay agagaarka Saldhiga Bartamaha ee Magaalada Garowe, waxaana weerarkaasi Masuuliyada sheegtay ururka Al-Shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here