Puntland oo walaac ka muujisay xaaladaha Cudurka Covid 19

Wasaaradda Caafimaadka maamulka goboleedka Puntland ayaa faahfaahin ka bixisay Xaaladaha Cudurka Corona virus ee degaanada maamulka Puntland maalmihii ugu dambeeyay laga diiwaan galiyay.
Puntland waxaay sheegtay in kiisaska Cudurka ay sare u kaceen maalmihii lasoo dhaafay, islamarkaana ay walaac ka muujinayaan kororka Cudurka ee degaanada maamulkaas.
Waxaa la baaray 16-kii iyo 17-kii bishaan August 60 qof 7 qof oo ka mid ah ayaana laga helay xanuunka safmareenka ah ee Covid 19.
7 qof ee xanuunka laga helay ayaa da’doodu udhaxaysaa 27 sano jir ilaa 40 jir, 7 waxayna dhamaantood joogaan Magaalada Garowe sida ay sheegtay wasaarada Caafimaadka Maamulka Puntland ayadoo sidoo kalena uu hal qof ka soo biskooday cudurka.
Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay deegaanada Maamulka Puntland ee shaybaarku xaqiijiyey ayaa hada gaartay 400 oo qof waxaana u dhimatay 9 qof waxaana ka bogsaday 204 qof sida ay wasaaradu xaqiijisay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here