Q.M oo dhaqaale ku bixinaysa Wax ka qabashada Fatahaadaha Soomaaliya

Qoraal ka soo baxay xafiiska isku dubaridka howlaha gargaarka bani aadanimada QM ee Soomaaliya UNOCHA ayaa lagu sheegay in Sanduuqa gargaarka bani aadanimada QM ee Soomaaliya uu heley US$9.26 million oo dollar oo lagu caawinayo ku dhowaad 300,000 oo kamid ah dadka ay saameeyeen fatahaadaha Soomaaliya.
Deeqdan muhiimka ah ayaa qeyb ka ah dhaqaalaha Sanduuqa ugu talagalay Waxka qabashada arimaha Soomaaliya sanadkan 2020.
dhaqaalahaan waxaa la sii marin doonaa hey’addaha gudaha iyo kuwo dibadda ee ka howlgala gobolada Banaadir, Hiiraan, Jubadda Hoose, Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe iyadoo loo kala eegi doono sida baahida ugu kala badan tahay degaanada.
Warka Qaramada Midobay ayaa lagu sheegay in Deeqda ka timid Sanduuqa QM ay hey’adaha gargaarka awood u siin doontaa inay kordhiyaan barnaamijyada naf-badbaadinta ah gaar ahaan dadka ay sida daran u saameeyeen fatahaadaha ka dhacay gobolo badan oo dalka Soomaaliya ka mid ah.
$8.18 milyan oo lacagtaan kamid ah waxaa loo qoondeeyay in lagu bixiyo; cuntada, Hoyga, xarumaha caafimaadka, biyaha, nadaafadda iyo fayadhowrka, sidoo kale waxaa lagu xoojin doonaa daryeelka carruurta iyo ka hor tagga xadgudubka dumarka lagula kaco.
$1.08 million oo ah inta soo hartay, waxaa lagu daboolayaa arimaha la Xiiriira caafimaadka iyo nafaqeynta dhallaanka, waxbarashada iyo ilaalinta carruurta si looga hortago Xadgudubyada ay la Kulmaan.
Jimciiyada Qaruumaha ka dhexaysa waxay sheegtay in Durba, bulshooyinka liita oo isbedelka cimilada, Ayaxa iyo safmarka cudurka COVID-19 uu saameeyay ay wajahayaan cunto Yar iyo biyo la’aan, sidoo kalena ay khatar ugu jiraan cudurada faafa sida shuban biyoodka iyo daacuunka.
Sanduuqa gargaarka bani aadanimada QM ee Soomaaliya ayaa $40.2 million oo dollar ka heley dalalka; Australia, Canada, Denmark, Germany, Ireland, Kuuriyada Koofureed, Luxembourg, Netherlands, Norway, Sweden iyo Switzerland.
Qoraalka ka soo baxay xafiiska isku dubaridka howlaha gargaarka QM ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xilli roobaadka deyrta oo ka bilowday gobolada dalka Soomaaliya qaarkood sida degaanada Puntland iyo gobolada Hiiraan, Bakool iyo Galgaduud ay suuro Gal tahay in halkaas ay Xaalado binu aadanimo ka dhashaan maadaama xiliyada isbadalka Cimilada ay Saamayn weyn Bulshada ku yeelato,sida daadadka iyo Fatahaadaha Wabiyada mara gobolada Qaarkood,Ayaxa Markale deegaanada Qaar ku sooo dagay iyo waxyaabo kale oo u baahan in si deg deg ah wax looga Qabto si aysan Saamayn Bulsho uga dhalan.
Warbixintaan ayaa imaanaysa ayadoo Hey’adda FAO ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Beeraha iyo Cunada ay ka digtay Ayax hor leh oo Soomaaliya ku soo wajahan.
Xafiiska FAO ee Soomaaliya ayaa sheegay in Ayax ka imaanaya dhanka Badda Cas uu ku fool leeyahay Soomaaliya gaar ahaan gobolada Bariga.
Hay’ada ayaa tilmaantay in Ayaxu ka soo guuray dhanka dalka Yemen saameyntiisuna ay noqon karto mid xoog leh .
Inkastoo, dagaal lagula jiro Ayaxa ayaa haddana waxaa hey’addu sheegtay in arintu cuslaan karto hadii Ayaxaasi geediga ah uu Soomaaliya sal dhigto.
Ayax ka yimid dhanka Itoobiya oo dhulka Beeraha iyo daaqsintaba diirtay ayaa lagu arkay deegaano ka mid ah Soomaaliland
Sidoo kale qeybo ka mid ah Puntland iyo Galmudug ayuu Ayaxu weerar ku hayaa, waxaana dhici karta inuu u gudbo dhanka gobolada koonfureed ee dalka sida ay sheegtay hay’ada Cunada iyo Beeraha QM ee FAO.
Dhanka kale Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in Maanta oo Khamiis ah ay Shir xasaasi ah ka yeeshaan xaalada Soomaaliya gaar ahaan warbixin laga gudbiyey Soomaaliya oo xanbaarsan xog ay aruuriyeen Khubaro sare..
Warbixinta oo ay diyaariyeen lix khuburo waajibaadkoodu yahay dabagalka dhacdooyinka Soomaaliya ayaa ku saabsan ku dhex-milanka Al-Shabaab ee nidaamka maaliyada Soomaaliya.
Warbixinta ay diyaariyeen xubaha QM ee fadhigoodu yahay Nairobi ayaa lagu sheegay in mudadii u dhaxeysay December, 2019 illaa August, 2020 ay uruursadeen $13 milyan oo Doolar Al Shabaab gaar ahaan gobolka Jubbada Hoose.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa mararka qaar waxaay kulamo ka yeeshaan xaalada Soomaaliya, waxaana warbixino looga dhageystaa Wakiiladooda Soomaaliya, iyagoo gudbiya xaaladaha kajira dalka Soomaaliya.
Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegaa inay lacag aad u farabadan ka qaadaan Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool degaannada ay maamulaan iyo kuwa ku ganacsada degaannada ay gacanta ku heyso dowladda Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here