DHAGEYSO:Qaadashada buuga Caafimaadka Soomaaliya oo la bilaabay.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay inay burburkii kadib  dib u bilaabeen Buugii caafimaad ee dadka Soomaaliya si ay u qaataan muwaadiniinta u safraya dalka dibadiisa.
Gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo Maaliyada maamulka Gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Madaale ayaa sheegay inay buugaan ku bilaabeen dadka Xaramka aadaya kadibna ay waajib noqonayso in qofkasta oo Madaarka Diyaaradaha Muqdisgho ka Baxayo uu qaato.
Wuxuu Tilmaamay inay qaadashada buugu dadka ka caawinayso inay talaal helaan oo la hubiyo xaaladooda Caafimaad iyo sidoo kale inay bixiyaan lacag Yar oo Buuga lagu qaadanayo kadibna dib u dhiska Dalka Soomaaliyeed loo adeeganayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here