Qaar ka mid ah dadka u ololeeya xuquuqul aadanaha oo la filayo inay dibadbaxyo ka dhigaan Nairobi

Waxaa maanta la filayaa in caasimadda dalka ee Nairobi ay ka dhacaan dibadbaxyo ay soo qaban qaabiyeen qaar ka mid ah shakhsiyaadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqul aadanaha.
Waxay muujinayaan sida ay uga xunyihiin xaaladda ka taagan wadanka Suudaan iyo howlgalada militariga ee dad shacab ah lagu dilay.
Socdaalkan ayaa loogu magacdaray ‘solidarity march’ oo loola jeedo taageero ama garab istaag.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka socdaalkan ka qeyb galaya ay ka mid yihiin xubnaha guddiga xuquuqul aadanaha , hay’adda caalamiga ee Amnesty laanteeda Kenya iyo Boniface Mwangi oo ah aas-aasaha hay’adda Pawa 254.
Dhawaan ayay ahayd markii ay soo baxeen warar sheegaya in militariga Suudaan uu dilay ilaa 100 qof halka golaha amniga ee qaramada midoobay uu ku baaqay xabadjoojin degdeg ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here