Qaar ka mid ah goobaha ganacsiga Islii oo saaka aan loo soo dhaqa tagin ka dib amar ka soo baxay Guddiga ganacsatada xaafadda islii

Waxaa xaafadda Islii ee deegaanka Kamkunji Nairobi ka dhaqan galay amarkii ay soo saareen Guddiga ganacsatada xaafadda islii kuwaas oo shalay go’aansaday in la xiro goobaha ganacsiga ilaa amar dambe iyadoo qiimeyn la sameynayo si loo yareeyo faafitaanka cudurka Covid-19.
Waxaa saaka Islii laga dareemayay dhaqdhaqaaq yar iyadoona ay xirnaayeen qaar ka mid ah goobaha ganacsiga .
Balse waxaa furan goobaha muhiimka ah sida xawaaladaha , bangiyada , isbitaallada, xarumaha Mpesa, farmashiyada iyo kaalimaha shidaalka.
Waxaa mel walba lagu arkaya ciidamada booliska iyagoona dhaqan galinaya amarka lagu xiray goobaha ganacsiga Islii.
Sido kale ciidamada booliska ayaa baaritaan ku haya baabuurta iyo dadkaba iyagoona eegayaa in dadka ay xiran yihiin marada afka lagu daboosho ee Face Mask loo yaqaano ka dib markii Dowladda dalka ay soo saartay amar ah in ganaax dusha laga saari doono cid walba oo aan xirneyn Face Mask.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here