Qaar ka mid ah haweenka ganacsatada ah ee Garissa oo dibadbax sameeyay

Kenyan Muslim women and men applaud as a womens' representative denounces the latest attack by al-Shabab gunmen, at a public meeting in Garissa, Kenya Friday, April 3, 2015. The Islamic extremists who slaughtered 147 people at the college in northeast Kenya as they shouted "God is great" appeared to have planned extensively, even targeting a site where Christians had gone to pray, survivors said Friday. (AP Photo/Ben Curtis)

In ka badan 50 haween ah oo ku ganacsado ismaamulka Garissa ayaa dhigay bannaanbax ay kaga soo horjeedaan badeecooyin ay sheegeen inay ka gubeen saraakiisha ammaanka.
Waxay socdaal ku mareen bartamaha magaalada Garissa ilaa xafiiska guddoomiyaha dowladda dhexe halkaas u qaabilsan.
Raashiinka ay ciidamada ammaanka qabteen kaddina gubeen ayay hooyooyinkan sheegeen inay ka soo iibsadeen deegaanka Dadaab.
Waxay intaa ku dareen in tallaabada dowladda uu ka soo gaaray khasaare hantiyeed oo dhan 6 milyan oo shilin hasa ahaate dowladda ayaa dhankeeda waxyaabaha la gubay ku tilmaantay kuwo sharci darro ah.
Mid ka mid ah haweenka dibadbaxa dhigay ayaa dareenkeeda sidatan u muujisay.

Isku duwaha ammaanka ee gobolka waqooyi bari Mr.Nicodemus Musyoki Ndalana ayaa dhankiisa sheegay inaan marnaba la ogolaan doonin ka ganacsiga badeecooyinka kontarabaanka ah sido kalena cid kasta oo ku lug lahaata tallaabada sharciyeed ee ku habboon laga qaadaya .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here