Qaar ka mid ah haweenka Wajeer oo doonayo inuu iscasilo xildhibaanka deegaanka Bari

Qaar ka mid ah haweenka ku nool ismaamulka Wajeer ayaa mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka bariga Wajeer Rashiid Qaasim Aamiin ka dalbaday inuu iscasilo kaddib markii maalmo ka hor uu dhibaateeyay wakiilka haweenka ee dowlad deegaankaasi Fatuma Gedi Cali.
Mr. Rashiid Qaasim ayaa maxkamadda la geeyay waxaa uuna iska fogeeyay eedeymaha loo soo jeediyay.
Maxkamadda ayaa damiin lacageed oo ah 50 kun oo shilin ku siidaysay ka hor inta dacwadda uu wajahayo aan mar kale la soo hadal qaadin 6-da bisha sideedaad ee sannadkan.
Hasa ahaate haweenka dareenkooda muujiyay ayaa sheegay inaynan suurtagal ahayn in dhibka gaaray Fatuma Gedi uunan ahayn mid lagu xallin karo nidaamka dhaqan soomaaliga ku saleysan ee loo yaqaano maslaxada .
Waxay hoosta ka xarriiqeen in adeegsiga hannaankan uu caqabad yahay sidaasi awgeedna ay doonayaan in wakiilka haweenka ay hesho cadaalad u dhiganta gacan qaadka loo gaystay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here