Qaar ka mid ah hoggaamiyaasha dalka oo u hambalyeeyay Joe Biden

Madaxa xisbiga ODM , Raila Odinga , dhigiisa Wiper Kalonzo Musyoka, senatarka ismaamulka Baringo Gideon Moi, hoggaamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi , barasaabka Nakuru Lee Kinyanjui , guddoomiyaha Kirinyaga Anne Waiguru iyo mas’uuliyiin kale ayaa hambalyo u diray Joe Biden oo loo doortay madaxweynaha 46-aad ee Maraykanka.
Mr .Odinga ayaa guusha Biden ku tilmaamay mid taariikhi ah sidoo kalena ka turjumeysa rajada dimuqraadiyadda caalamka.
Raila ayaa sheegay inuu rajeynayo in Joe Biden uu wadamada kale ee caalamka kala qayb qaato la tacaalidda caqabadaha sida caabuqa corona, hoos u dhaca dhaqaale , dhibaatooyinka la xiriira dimuqraadiyadda iyo isbedelka ku yimaado cimillada.
Madaxa xisbiga KANU ahna senatarka ismaamulka Baringo Gideon Moi ayaa dhankiisa sheegay in doorashada Joe Biden ay muujinayso dib u soo celinta sumcadda siyaasadda dunida.
Mr. Moi ayaa sidoo kale shacabka Maraykanka ku boogaadiyay inay xilka madaxweyne ku xigeen markii ugu horreysay u doorteen haweeney waana Kamala Harris.
Kalonzo Musyoka ayaa isna sheegay in guusha Biden iyo Kamala ay astaan u tahay in Maraykanka uu ku kalsoonaan doono hay’adaha caalamiga sida WHO .

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here