Qaar ka mid ah kalkaaliyayaasha Mbagathi oo shaqa joojin billaabay

Kalkaaliyayaasha ka howl gala xarunta lagu karantiilo bukaanada looga shakiyay ama qaba cudurka coronavirus ee dalka ayaa qaar kood joojiyay howshii ay ka hayeen halkaas.
Tallaabada ay qaadeen ayay u aaneeyeen in aysan lahayn qalabka caafimaadka ee ka hortagga cudurka iyo in ay doonayaan tababar dheeraad ah.
Isbitaalka Mbagathi ayaa kamid ah meelaha ay ku yaallaan xarumaha lagu karantiilo bukaanada looga shakiyay feyraska.
Waxaa xaruntaas caafimaad lagu hayaa 22 qof oo la rumeysan in ay xiriir la sameysay qofkii ugu horreeyay ee lagu arko cudurka coronavirus gudaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here