Qaar ka mid ah maamulada Soomaaliya oo sharciga doorashooyinka ka Horyimid.

Kadib markii Shalay Kulankii Golaha Wasiirada xukuumadda Fedraalka Soomaaliya lagu ansixiyay Sharciga doorashooyinka iyo kan Axsaabta Siyaasadeed ee dalka Soomaaliya,kuwaas oo dib u eegis lagu sameeyey,ayaa waxaa qaabka ansixintaas loo maray dhaliilay qaar ka mid ah Maamul Goboleedyada ka jira dalka Soomaaliya.
Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa sheegay inaysan ku qanacsanayn ansixinta Sharciga doorashooyinka, waxayna Tilmaameen inaan loo marin ansixintiisa wadadii saxda aheyd.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhamanacad ayaa sheegay in geedi socodka iyo habkii lagu soo diyaariyey sharcigaas aysan la socon,isla markaana wax xog ah ka heyn.
Waxa uu Xusay in habka loo diyaariyey Xeerka doorashooyinka dalka Soomaaliya uu yahay mid hareer marsan Dastuurka KMG ah ee wadanka looga dhaqmo sid auu hadalkiisa u dhigay.
Dhinaca kale Wasiirka Dastuurka ee maamul goboleedka Galmudug Abshir Cabdi Shiikhow ayaa isna sheegay in dowladda federaalka ay ku haboonaan laheyd inay kala tashado maamul goboleedyada dalka ka jira,isla markaana maamulkooda uusan waxba kala socon sharcigaasi.
Waxa uu sheegay in maalmihii dambe ay jireen wadatashi la’aan ka dhex jirtay dowlada dhexe iyo maamulada Xubnaha ka ah,isagoo sheegay in kastoo Baarlamanka aan weli sharcigaas la horgeyn hadana Maamulka Galmudug uu qabo in ansixinta sharcigaas lagu deg degay.
Sharciga doorashooyinka ee shalay ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa horay waxaa u soo ansixiyey Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo uu saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya, balse wax ka bedel lagu sameeyey, waxaana la filayo in dhawaan la horgeeyo Baarlamaanka Soomaaliya markale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here