Qaar ka mid ah madaxda dalka oo guul u rajeeyay ardayda KCSE-da sameynaya

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto iyo madaxa xisbiga ODM, Raila Odinga ayaa guul u rayeeyay ku dhawaad 700 kun oo arday ah oo sannadkan imtixaanka sameynaya.
Waxay labaduba ardayda xasuusiyeen inay sanado badan soo dadaalayeen oo ay hadda aad ugu dhowyihiin inay guulaystaan sidaasi awgeed laga doonayo inay isku kalsoonadaan.
Ruto iyo Raila ayaa ardayda kula dardaarmay inay dadaalkooda laba jibaaraan oo aynan iskudayin wax isdabamarin.
Imtixaanaadka qaran ee shahaaddiga ee fasalka afaraad , dugsiyada sare (KCSE) ayaa sannadkan lagu sameynayaa 10,287 oo xarumood.
Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa sheegtay in Imtixaanaadka si weyn loo ilaalinayo.
Waxay imtixaanaadka ku soo aadayaan iyadoo qeybo ka mid ah dalka ay roobab culus ka da’een taasoo saameyn ku yeelatay isku socodka gaadiidka.
Golaha imtixaanada qaran ee KNEC ayaa shaaca ka qaaday in la sameynayo wax walba oo suurtagalin karo inaynan xatooyo dhicin.
Sannadkii 2018-kii ayay ahayd markii KNEC ay waxba kama jiraan ka soo qaadday natiijadii ay heleen arday dhan 3,427 oo ka soo jeeday 16 ka mid ah ismaamulada dalka kaddib markii lagu caddeeyay inay wax isdaba marin ku kaceen.
Sii hayaha xilka madaxa fulinta ee KNEC ,Mercy Karogo ayaa sheegtay in la howlgeliyay 70,790 oo saraakiil ah si ay imtixaanaadka qaran u maareeyaan.
Shalay ayay ahayd markii xoghayaha guud ee ururka macallimiinta dalka ee KNUT ahna xildhibaan baarlamaanka si magacaabid ah ku galay Mr. Wilson Sossion uu dowladda ugu baaqay inay amniga xoojiso sido kalena xaqiijiso in wax xatooyo ah aysan dhicin.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof .George Magoha oo horay u soo noqday guddoomiyaha golaha KNEC ayaa wacad ku maray in tallaabada habboon laga qaadayo cid kasta oo iskudayda inay ka tallaabsato xeerarka u degsan imtixanaadka shahaaddiga.
Prof. George Magoha ayaa sheegay in maamulada kala duwan ee wadanka inay ka warqabaan dugsiyo doonaya inay xatooyo sameeyaan balse tallaabo sharciyeed laga qaadayo.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay inaynan khasab ahayn in la sugo xilliga la saxayo warqadaha imtixaanaadka si loo ciqaabo ardaygii wax isdabamarin ku kacay.
Sido kale waalidiinta ayuu uga digay inay carruurtooda siiyaan lacago ay doonayaan in loogu fududeeyo xatooyada maadaama taasi ay saameyn ku yeelan karto mustaqbalkooda.
Wasaaradda waxbarashada ayaa saraakiisha loo xilsaaray maareynta imtixaanaadka kula dardaarantay inay u hoggaansamaan xeerarka degsan.
Maamulaha dugsi si gaar ah loo leeyahay oo ku yaalla magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru ayaa dhintay halka laba qof oo kale ay dhaawacyo soo gaareen kaddib markii ay shil galeen.
Waxay saraakiishan sideen warqadaha imtixaanaadka fasalka afaraad ee dugsiga sare ee dalka ka socdo.
Shilka ayaa ka dhacay meel aan ka fogeyn magaalada Longonot agagaarka wadada isku xirta magaalooyinka Naivasha iyo Mai Mahiu .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here