Qaar ka mid ah madaxda dalka oo shuruudo ku xiray warbixinta BBI

Qaar ka mid ah madaxda dalka oo ay hor kacayaan wasiirka wasaaradda beeraha Mr. Mwangi Kiunjuri iyo senetarka ismaamulka Elgeyo Marakwet Mr. Kipchumba Murkomen ayaa sheegay inaynan taageeri doonin warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI haddii ujeedada laga leeyahay ay tahay in loogu daneeyo siyaasiyiin gaar ah.
Waxay shaaca ka qaadeen inay dhaqangelinta warbixinta BBI soo dhaweyn doonaan oo keliya haddii ay tahay mid lagu xoojinayo midnimada sido kalena sinnaan dhanka hoggaanka ah horseedeysa.
Mr. Murkomen ayaa dhankiisa ku doodaya inay u muuqato in si loo gacan bidixeynayo ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday inta aan la sameeyn afti dastuurka wax looga beddelayo inay qasab tahay in la caddeeyo awoodda ku xigeenka madaxweynaha dalka.

Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo daraasaad ay sameysay shirkadda TIFA lagu sheegay in boqolkiiba 60 ee dadweynaha la wareeystay ay doonayaan in dhaqangelinta warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI loo maro qaab afti ah.
Warbixintan oo 27-kii bishii hore lagu soo bandhigay xarunta Bomas ee magaaladatani Nairobi ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu muran iyo hadal hayn siyaasadeed ay ka taagneyd sida loogu tallaaba qaadayo qodobbada lagu soo jeediyay.
Cilmi baaristan ayaa la sameeyay intii u dhaxaysay 17 ilaa 22-kii bishan Diseembar.
Waxaa ka qeyb qaatay oo su’aallo la weydiiyay 765 qof oo boqolkiiba 60 ay door bidayaan in la qabto afti dastuurka u degsan wax looga beddelayo.
Boqolkiiba 14 waxay ku talinayaan in baarlamaanka uu sameeyo isbeddelada la doonayo halka 25 boqolkiiba aynan u kala caddeyn sida habboon ee arrintan ku aaddan.
Sido kale waxaa cilmi baarista lagu ogaaday in boqolkiiba 69 aynan weli akhrin waxyaabaha ku qoran warbixinta guddiga BBI.
Dad badan waxay hadal hayaan soo jeedinta ah in wadanka uu yeesho ra’iisul wasaare baarlamaanka ka tirsan.
Waxay sido kale soo dhaweyeen in haddii barasaabka ismaamulka uu qof rag ah yahay in haweeney ay ku xigeen u noqoto.
Dhanka kale boqollkiiba 65 ee Kenyaanka daraasaadkan ka qeyb qaatay ayaa sheegay in waxbarashada dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare la wanaajiyay..
Boqolkiiba 54 waxay sheegeen in amniga dalka uu wanaagsan yahay marka loo barbardhigo sannadihii la soo dhaafay.
Boqolkiiba 33 ee Kenyaanka la wareystay ayaa sheegay in sannadka cusub ay qorsheynayaan inay ganacsi billowdaan.
Boqolkiiba 17 ee dadka cilmi baaristan ka qeyb qaatay waxaa ay doonayaan inay shaqo helaan , kuwa qaar waxay maanka ku hayaan guri inay dhistaan ama iibsadaan halka 13 boqolkiiba ay doonayaan inay waxbarashada sii wataan.
Waxaa la yaab ah in sida ay sheegtay shirkadda daraasaadka ee TIFA in boqolkiiba 18 ee shacabka aynan jirin waxyaabo u qorsheysan ama ay doonayaan inay ka meel gaaraan sannadka cusub .
Sido kale boqolkiiba 2 ayaa niyadda ku haya inay isbeddel dhanka labiska ah sameeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here