Qaar ka mid ah odayaal dhaqameedka Galmudug oo gaaray aagga Turbi

Qaar ka mid ah odayaal dhaqameedka Galmudug ayaa gaaray deegaan aan ka fogeeyn halka lagu magacaabo Turbi oo ka tirsan degmada Balanbal ee waqooyiga gobolka Galgaduud
Turbi waxaa ka bilaawday qodista ceel biyood waxaana qodaya dhinac ka mid ah beelaha uu dagaalku ku dhex maro deegaano hoos taga Balanbal
Dhinaca kale waxaa ay iyagana wadaan qodista baraag biyo lagu keediyo iyo dhismaha guryo si ay u muujiyaan in dhankooda ay deegaameeyn sameeynayaan.
Nabadoon Cabdi Dhanged oo ka mid ah odayaasha tagay aagga Turbi ayaan qadka taleefoonka ku wareysanay socdaalka ay halkaas ku tageen.
Waxaa uu u warramay wariyaha idaacadda Star FM ee gobolka Galgaduud Cubeyd Xasan Maxamuud

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here