Qaar ka mid ah Safaaradaha Soomaaliya ee Caalamka oo la xiray

Waxaa Maanta gabi ahaanba la xirayaa Safaarada dowlada Soomaaliya ay ku leedahay Magaaladatan Nairobi ee Caasimada dalka Kenya.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalkaani Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in Safaaraddu ay shaqada hakin doonto muddo toddobaad ah oo ka billaabanaysa maalinta Talaadada Taariikhduna ku beegan tahay 24-ka bishaan, si looga fogaado faafidda cudurka COVID 19 ee uu keeno Caabuqa CoronaVirus.
Safiirka ayaa dadka Soomaaliyeed ee ku nool Kenya ugu baaqay inay raacaan tilmaamaha ay dowladda Kenya bixisay ee looga fogaanayo Faafida cudurka.
Dowladda Kenya ayaa xirtay dhammaan goobaha la isugu yimaado, iyadoo ku baaqday in shaqooyinka laga fasaxo dadka laga maarmi karo ama ay xaafadahooda ka soo shaqeeyaan.
Dhanka kale War ka soo baxay Safaaradda Soomaaliya ku leedahay Dalka Hindiya ayaa lagu sheegay in la hakiyo adeegyadii ay safaaraddu qaban jirtay laga bilaabo maanta Isniin kadib amaro ka soo kala baxay dowaladaha Soomaaliya iyo Hindiya, oo ku aadan xakameeynta xanuunka inta badan dunida ku baahay ee CORNOVIRUS COVID19.
Safaradda ayaa sheegtay inay u hogaansami doonaan amarada dowlada Hindiya, si la isaga kaashado xakamaynta cabuqa islamarkaana ay dadka Soomaaliyeed la wadaagi doonaan wixii soo kordha muddada ay Safaraddu xiran tahay, iyadoo lataliyaha labaad ee Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Hindiya Saliim Cabdullahi Cilmi uu guddoomiye ka yahay guddi si dhaw ula socon doona haddii muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ku timado arrin deg deg ah, kana jawaabi doona cabashooyinkooda, maadaama ay Safaaradu Xil weyn iska saarayso la socoshada dhamaan xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Dhanka kale Soomaalida ku Nool dalka Hindiya iyo kuwa u yimaada Caafimaadka, ganacsiga iyo Waxbarashada ayaa lagu soo Waramayaa inay saamaysay Xakamaynta iyo Amarada dowlada maadaama dalkaas laga helay kiisas badan,
Sidoo kalena aysan guud ahaanba jirin goobaha Waxbarashada, ganacsatada Soomaaliyeed ee hada joogta dalka India kama bixi karaan, sidoo kale dadka Soomaaliyed ee haysta fiisooyinka dal ku galka hindiya hadda ma soo gali karaan dalkaas, qarkoodna waxaay ku xayiran yihiin wadamo kale sida la sheegayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here