Qaar ka mid ah saraakiisha ismaamulka Nairobi oo EACC hor tagaya

Waxaa laga billaabo maalinka jimcada ee toddobaadkan lagu wadaa inay guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ka soo hormuuqdaan 15 sarkaal oo ka tirsan dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi oo loo yeeray.
Labada toddobaad ka hor ayay ahayd markii EACC ay howlwadeenadan u amartay inay iska xaadiriyaan xarunta dhexe ee ay ku leedahay Nairobi.
Waxaa su’aalo laga weydiinaya garoon laga dhisayo xaafadda Dandora ee Nairobi kaasi oo la sheegay in dhaqaalihii loogu talagalay in ka badan lagu qarash geliyay.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo dhawaan barasaabka caasimadda dalka Mike Sonko uu sheegay in isaga iyo maamulkiisa bartilmaameedsi lagu hayo.
Waxaa uu guddiga EACCa ku eedeyay inuusan daacad ka ahayn la dagaalanka musuqmaasuqa ee loo xilsaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here