Qaar ka mid ah saraakiisha ismaamulka Nairobi oo wax laga weydiinayo musuqmaasuqa

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa u yeeray ilaa 15 sarkaal oo hadda xilal ka haya dowlad deegaanka Nairobi iyo saraakiil hore.
Maalinka talaadada ayaa la filayaa in dadkan ay iska xaadiriyaan xarunta dhexe ee EACC ee caasimadda dalka si su’aalo loo weydiiyo.
Arrimahan ayaa ku soo aadaya iyadoo baaritaano ballaaran lagu sameynayo garoon laga dhisayo xaafadda Dandora oo la sheegay in qarashaadka loo adeegsanaya laga badiyay intii horay loo qoondeeyay.
Qiimihii hore ayaa ahaa 200 milyan oo shilin balse waxaa hadda soo baxaya eedeymo sheegaya in garoonkaasi dhisiddiisa lagu maalgelinayo ilaa 350 milyan oo shilin.
Tallaabada loogu yeeray saraakiisha la tuhunsanyahay ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay agaasimaha baaritaanada ee guddiga EACC John Lolkoloi . M
Dhanka kale maalmo ka hor ayay ahayd markii barasaabka ismaamulka Nairobi Mike Sonko uu sheegay in baaritaano isaga ka dhan ah oo uu wado guddiga EACC ay yihiin kuwo si gaar ah loogu bartilmaameedsanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here