Qaar ka mid ah shaqaalaha qaramada midoobay ee Suuriya oo laga helay coronavirus

Qaramada midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan 40 ka mid ah shaqaalaheeda dalka Suuriya iyo qoysaskooda uu saameeyay coronavirus.
Waxaa arrinkan laga soo xigtay sarkaal ka tirsan UN oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.
Afhayeenka xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan isku duwidda howlaha baniaadanimo ee OCHA Jens Laerke ayaa sheegay in ilaa 200 oo qof oo isugu jiro howlwadeeno ,xaasaskooda iyo carruurtooda ay muujiyeen astaamaha cudurka COVID19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here