Qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka oo dalbaday in shaqada laga istaajiyo shaqaalaha marinka Likoni ee Mombasa

Qaar ka mid ah hoggaamiyaasha siyaasadeed ee dalka oo ay hor kacayso xildhibaanadda deegaanka Likoni ee ismaamulka Mombasa Mishi Mboko ayaa dalbaday in shaqada laga joojiyo saraakiisha waaxda adeegga feeriga ee KFS.
Waxay sido kale soo jeediyeen in tallaabo taasi la mid ah laga qaado ciidamada ilaalada xeebta Mombasa .
Arrintan ayaa ku soo aadaysa kaddib markii haweeney iyo gabadh yar oo ay dhashay ay axaddii ku dhaceen badda India Ocean xilli baabuur ay saarnayeen uu gudbayay marinka ama feeriga Likoni.
Mudanayaashan baaqa soo saaray oo tiro ahaan dhan 11 ayaa nasiib darro ku tilmaamay geeridii Ms Mariam Kigenda iyo gabadheeda oo afar sano jir ahayd Amanda Mutheu.
Xildhibaanadda deegaanka Likoni, Mishi Mboko ayaa sheegtay in dhacdadaasi qaddar Alle kaddib ay ku timid habacsananaan dhanka shaqada ee saraakiisha waaxyada KFS iyo KCG.
Ms Mboko ayaa intaasi ku dartay in la doonayo in tallaabo la qaado oo ciddii mas’uuliyadeeda ka gaabisay lala xisaabtamo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here