Qaar ka mid ah siyaasiyiinta oo ka hadlay miisaaniyadda qaranka

Madaxda siyaasadeed ee dalka ayaa siyaabo kala duwan u muujiyay dareenkooda ku aaddan miisaaniyadda uu shalay gudbiyay wasiirka maaliyadda Mr. Ukur Yatani.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka ahna mudanaha deegaanka Garissa Township Aadan Barre Ducaale ayaa wasiirka ku ammaanay inuu tallaabooyin wanaagsan qaaday iyadoo uu jiro culeys dhaqaale.
Waxaa uu Ducaale xusay in Mr. Yatani uu isku dheeli tir sameeyay.
Hoggaamiyaha siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaanka Mr. John Mbadi ayaa dhankiisa sheegaya inaynan dowladda muddo badan ku qaadan doonin inay soo gudbiso miisaaniyad dheeraad ah.
Xildhibaanka deegaanka bartamaha Kitui ,Makali Mulu ayaa isna soo dhaweeyay miisaaniyadda lagu dhawaaqay oo uu sheegay inay ka turjumeyso danaha iyo rabitaanka shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here