Dhageyso:Qaar ka mid ah wadooyinka Muqdisho oo Maalinkii labaad Xiran

Qaar badan oo ka mid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa waxay Maalinkii labaad u xiran yihiin ciidamada Amaanka ayadoo dhanka kalena wadooyin kale biyo fara badan fariisteen taasoo keentay inaysan shacabka iyo gaadiidku isticmaali Karin.
Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa cabasho ka muujinaya wadooyinka ay xireen ciidamada dowlada ayadoo wadooyin kale ay biyo fariisteen islamarkaana aysan cidna isticmaali Karin.
Gaadiidleyda ayaa ka mid ah dadka Cabashada ka muujinaya wadooyinka Xiran ee Muqdisho waxayna Codsadeen in Xal loo helo wadooyinka ay ciidamadu Xirayaan.

Wadooyinka Magaalada Muqdisho ee Maalinkii labaad ay ciidamadu Xireen ayaa waxaa loo sababaynayaa shirka banbaxa Golaha wasiirada Soomaaliya oo agagaarka Garoonka Adan Cade ka socda Maalinkii sadexaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here