Qaar ka mid ah wakiilada Nakuru oo taageeray in dastuurka la beddelo

Qaar ka mid ah wakiilada golaha hoose ee ismaamulka Nakuru ayaa taageeray hindise sharciyeedka uu wado xibsiga Thirdway Alliance kaasi oo ku aaddan in wax laga beddelo dastuurka wadanka u degsan.
Hindise sharciyeedkan ayaa loogu magacday Punguza Mzigo oo ay micnaheedu yahay culeyska yaree waxaana loola jeedaa in la dhimo tirada xildhibaanada faraha badan ee Kenyaanka ku matalo golayaasha kala duwan.
Shalay ayay ahayd markii madaxa xisbigan Dr. Ekuru Aukot uu tagay Nakuru isagoo faahfaahin ka bixiyay olalaha uu hor kacayo iyo faaiidada uu Kenyaanka u leeyahay.
Waxaa uu dhanka kale wakiilada ugu baaqay inay si degganaan ay ku jirto ay uga wada xaajoodaan isbeddelaka uu xusay inuu yahay mid ay tixgelintiiisu dani ugu jirto dadka iyo dalka labaduba.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC uu sheegay inuu ku qancay oo uu xaqiijiyay 1.2 milyan oo ah saxiixyo kenyaanka laga soo arruuriyay oo uu soo gudbiyay xisbiga Thirdway Alliance.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here