Qaar ka mid ah waxgaradka bartamaha dalka oo iska fogeeyay ergadii booqatay guriga Raila Odinga

Qaar kamid waxgaradka iyo odayaasha qowyimadda kikuyu-da ayaa iska fogeeyay in ay qeyb ka ahaayeen odayaashi toddobaadkii hore booqday guriga madaxa mucaaradka Raila Odinga ee deegaanka Bondo ee ismaamulka Siaya .
Odayaashan oo hoos yimada waaxda “kiama kia ma” ayaa waxay sheegen in waxgarad ayaga ka socday aysan u dirin kulankaasi
Waxay dhanka kale sheegen in booqashada ay la yaab ku noqotay iyaga iyo wafdiga la sheegay inay yihiiin wakiillo ka socdo dhammaan ismaamullada gobolka bartamaha ama Mt. Kenya.
Waxgaradkan ayaa kulankaas ku tilmaamay “siyaasada kala qeybsanaanta” ayagoo dhanka kale ku eedeyay odayaasha Raila u tagay inay horumariyaan dano shakhsiyeed.
Sidoo kale odayaashan ayaa wacad ku maray inaysan aqbaleeynin hoggaamiyaal dano shakhsiyeed oo ku aaddan doorashada guud ee sannadka 2022-ka ka wado gobolka mt. Kenya
Toddobaadkii hore ayaa hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ODM, Raila Odinga wuxuu gurigiisa ku yalla deegaanka Bondo ee ismaamulka Siaya ku marti galiyay tiro odayaal ah oo ka socday gobolka bartamaha dalka taas oo loo fasirtay in uu taageero ka helo shacabka gobolkaas xilliga doorashada 2022-ka.
Si kastaba ha ahaate Raila ayaa sheegashadaasi ku gacan seeyray,isaga oo sheegay in kulanka looga gol lahaa in lagu adkeyo xidhiidhka ka dhexeya qowmiyadaha Kikuyu-da iyo Luo isagoo intaa ku daray in beelaha kale ay ka soo qeyb galaan kulankaasi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here