Qaar ka mid ah xildhibaanada Ciraaq oo ku baaqay in dalkaasi laga saaro ciidamada Maraykanka

U.S. Army Pvt. Joseph Burton and Staff Sgt. John Martinez clear a street corner during a raid in the Tamooz neighborhood of Mosul, Iraq, April 27, 2007. The Soldiers are with 3rd platoon, Delta Company, 2nd Battalion, 7th Cavalry Regiment, 4th Brigade Combat Team, 1st Cavalry Division. (U.S. Air Force photo by Staff Sgt. Vanessa Valentine) (Released)

Qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka dalka Ciraaq oo golahaasi sharci dejinta awood ku leh ayaa ku baaqay in Maraykanka uu ciidamadiisa wadankaasi kala baxo.
Arrintan ayaa timid kaddib markii halkaasi ay ka dhaceen weeraro isxigxigay oo dhanka cirka ah.
Weeraradaasi oo badankoodu la sheegay in lala eegtay maleeshiyo dowladda iiraan lagu eedeyo inay taageerto ayaa sido kale la farfiiqay in Israa’iil ay gaysatay.
Isbeheysiga Fataax ee dalka Ciraaq ayaa hoosta ka xarriiqay inuu Maraykanka ku eedeynayo waxa lagu tilmaamay daandaansiga Israa’iil ay waddo.
Gudaha Ciraaq waxaa hadda ku sugan ilaa 5,000 oo ah ciidamada Maraykanka waxaana isa soo taraya dareenka ah inay halkaasi isaga soo baxaan maadaama la rumeysanyahay in kooxda ISIS ay hadda u muuqato mid laga adkaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here