Qaar ka mid ah xildhibaanada dalka oo ka hadlay magacaabidda ku simaha wasiirka maaliyadda

Xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka dalka ee kala taabacsan kooxaha Tanga Tanga oo lala xariiriyo madaxweyne ku xigeenka wadanka William Ruto iyo Kieleweke oo garab siinaya Uhuru Kenyatta ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay tallaabadii shalay wasiirka wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada Ukuru Yatani si ku meel gaar ah loogu magacaabay wasiirka maaliyadda.
Siyaasiyiinta garabka Ruto ayaa magacaabiddaasi ka soo horjeestay halka kuwa kale ay soo dhaweyeen.
Mudanaha laga soo doortay deegaanka bartamaha ismaamulka Kitui ,Makali Mulu ayaa sheegay in Mr. Yatani uu si wanaagsan uga soo bixi doono shaqada loo dhiibay.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu wasiirku taageero buuxda ka heli doono guddiga miisaaniyadda ee baarlamaanka.
Xildhibaanka deegaanka Ugunja ,Opiyo Wandayi ayaa dhankiisa xusay in hoggaamiyaha dalka uu awood dastuuri ah u leeyahay inuu soo magacaabo cidda uu ku qanacsanyahay balse waxaa uu ku baaqay in xilkaasi sida ugu dhaqsiyaha badan loo buuxiyo.
Mudanaha baarlamaanka ku matalo deegaanka Cherengany ,Joshua Kutuny ayaa dhankiisa shacabka ku booriyay inaynan sii dabagelin magacaabidda madaxweynaha uu sameeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here