Qaar kamid ah waxgaradka ismaamulka Garissa oo ka hadlay kufsi iyo dil laga gaystay Dadaab

Qaar kamid ah waxgaradka dowlad deegaanka Garissa ayaa si adag u cambaareyay falkii foosha xumaa ee kufsiga iyo dilka ahaa ee shalay loo gastay Isniino Ismaaciil Cabdullahi oo ahayd hooyo haysatay 8 carruur oo ku noolayd Dadaab.
Guddoomiyaha guddiga nabadgaliyada ee deegaanka Dadaab Cisman Cabdi Ibrahim oo loo yaqaano Cismaan afmaroor iyo Guddoomiyaha gudidga xoola dhaqatada ee dalka Dubat Cali Cameey ayaa si wada jir ah uga hadlay arrinkan waxayna dowladda ugu baaqeen in ay cadaaladda hor keenaan qofkii dembiyadaasi ku lug lahaa.
Dhanka kale Dubat Cali Cameey ayaa ka hadlay dhacdo uu dhawaan isku dilay wiil sannadkii hore u fariistay imtixaanka dugsiyada sare ee KCSE-da hasa ahaate helay buundo uunan ku farxin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here