Qaban qaabada shirka dhuusamareeb oo socota

Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta gobolka galgaduud sidoo kalena ah Caasimada Maamulka Galmudug ayaa waxaa ka soconaya qaban qaabadii ugu dambesay ee furitaanka shirka wadatashiga madaxda qaranka iyo kuwa Maamul goboleedyada Soomaaliya ee looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka iyo marxalada kala guurka ah.
Shalay waxaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo iyo sidoo kale guddiga farsamada ee sameynta iyo ka baaraandagida habraaca doorasha oo maalmahaan ku shirayay magaalada Muqdisho.
Waxaa kaloo Dhuusamaareeb ku suga madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Koofur -Galbeed iyo Hirshabeelle ee kala ah Cabdicasiis xasan Maxamed (Lafta-Gareen) Maxamed Cabdi Waare iyo sidoo kale wasiiro heer federaalka iyo heer dowlad goboleed iyo Xubno ka tirsan Labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa Maanta ku wajahay magaalada dhuusamareeb oo lagu wadaa inay shirka ka qayb Galaan Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Punland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
waxaa lagu wadaa inuu dhawaan furmoo Shirka u dhaxeeya Madaxda Dowlad Federaalka Soomaaliya & Maamul Goboleedyada, kaasoo mudooyinkii la soo dhaafay aad loo Hadal hayay si weyna looga dhursugayo wax aka soo baxa.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug Axmed Shire Falagle oo la hadlay mid ka mid ah warbahinta gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in shirkaan uu ahaa mid horay loogu balamay shirarkii hore intiisa badana uu ku saabsan yahay arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya iyo wajihida marxalada Kala Guurka ah.
Wasiirka warfaafinta Galmudug wuxuu sidoo kale Tilmaamay in Shirkaan qof walba uu kusoo bandhigayo tabashada uu qabo,hayeeshee ay muhiim tahay qabsoomida shirkaas,isla markaana dadka waqtigooda ku imaan waaya ay u arkaan kuwo diidan Shirka iyo ka shirada Masiirka dalka Soomaaliyeed sida uu Xusay.
Wajjiga Saddexaad ee Shirka Magaalada Dhuusamareeb ee Madaxda Dowladda & Maamul Goboleedyada ayaa waxaa isha ku haya Shacabka Soomaaliyeed iyo xubnaha Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya waxaana laga doonayaa ama laga sugayaa dhinacyada Shiraya inay soo saaraan qodobo muhiim ah oo ay Heshiis ku yihiin dalkana ka saari Kara Marxalada uu hada marayo ee kala Guurka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here