Qalab looga hortagayo Covid 19 oo Puntland lagu wareejiyay

Wasaaradda caafimaadka Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa maanta waxay hay’adda World Vision kala wareegtay qalab loogu talagalay ka hortaga iyo xakamaynta cudurka safmarka ah Covid19.
Agaasimaha guud wasaaradda Caafimaadka Maamulka Dr Abdirisaaq Xirsi Xasan oo ay weheliyaan qaar kamid ah agaasimayaasha waaxyaha wasaarada ayaa kala wareegay qalabkaan Hay’ada, waxaana agaasimaha uu uga mahadceliyay hay’adda World Vision qalabkaan loo baahnaa ee ay maanta ukeeneen wasaarada Caafimaadka maamulka Puntland.
Qalabka maanta la wareejiyay ayaa ka kooban Gloveska Gacmaha lagu Xirto Maaskarada Sanka iyo afka lagu daboosho, agabyo kale oo cudurka looga gaashaanto iyo qalabka nadaafada xarumaha baaritaanka iyo karantiilka, qalabkaan ayaa loogu talagalay in looga faa’iidaysto sidii xanuunka la iskaga ilaalin lahaa xiliyada Howl-wadeenada Caafimaadku ku howlan yihiin la talacaalida Cudurka aduunka dhan sida weyn ay ula tacaalayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here