Qaliin lagu sameeyay Raila Odinga oo lagu guulaystay

Hoggaamiyaha mucaaradka dalka ahna madaxa xisbiga ODM ayaa ka soo kabanayaa qaliin lagu guulaystay kaasi oo looga sameeyay isbitaalka Jarmalka ee Dubai.
Horaantii toddobaadkan ayay ahayd markii Raila Odinga uu qaliin u aadey isbitaal ku yaala Isutaga Imaaraadka Carabta.
Afhayeenka qoyska Odinga, Dr Oburu Odinga ahna walaalka Raila ayaa u sheegay warbaahinta in hoggaamiyaha xisbiga ODM uu maray qaliin dhanka dhabarka kaas oo lagu guulaysatay .
Guddoomiyaha ismamaulka Mombasa ee gobolka xeebta dalka Xassan Ali Joho ayaa isagana waxaa uu sheegay inuu la hadlay Mr Odinga oo ayna xaaladiisa caafimaad wanaagsantahay.
Waxaa uuna sheegay Mr Joho inuu ku faraxsan yahay Aaabaha qaranka inuu si wanaagsan uga soo kabanayo qaliinkii uu maray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here