Qandaraasleyda Garissa oo ay cabasho ka soo yeeraysa

Waxay cabasho ka soo yeeraysaa qaar ka mid ah qandaraasleyda ismaamulka Garissa oo sheegaya inaan weli la siin lacago kaga baxay adeegyo ay u fuliyeen dowlad deegaankaas.
Dadkan iyaga ah ayaa sheegay in lacagaha ka maqan awgeed ay xita ku adkaatay inay carruurtooda dugsiyada geeyaan.
Sido kale waxay hoosta ka xarriiqeen inay qarka u saaran yihiin in hantidooda la xaraasho.
In kastoo ay soo dhaweeyeen amar horay uga soo baxay madaxweynaha iyo wasiirka maaliyadda oo ahaa in ismaamullada ay bixiyaan deymaha lagu leeyahay haddana waxay dhanka kale codsanayaan in senetarka Garissa Maxamad Yuusuf Xaaji uu dhibaatada haysata u gudbiyo aqalka sare.
Waxay wacad ku mareen in hadii lacagaha ka maqan aan la siin bishan dhammaadkeeda ay warqad u qorayaan maareeyaha miisaaniyadda dowladda.

Mid ka mid ah wakiilada golaha hoose ee ismaamulka Garissa oo isna ka hadlay dhibaatooyinka haysa qandaraasleyda ayaa yiri

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here