Qarabada Midowbay oo sheegtay inay malaayiin Soomaali ah ay Cno la’aan wajahayaan.

Jimciyada Qaruumaha ka dhexaysa ayaa sheegtay in Dad tiradoodu ay gaaraya 1.7 million oo Soomaali ah ay wajahayeen Xaalado kala duwan oo deg-deg ah kuwaasoo ka dhashay cuno la’aan soo food saartay.
Q.M ayaa Tilmaamtay inay xaaladaan ka sii dari karto Ilaa Bisha Jun ee sanadkaan hadii aysan di’in roobabka la Sugayo.
Qaramadda Midoobay waxaay ku sababeeysay in roobkii la sugayay uusan di’in taasina ay keentay in xooluhu ay la liitaan xaaladaha abaarta ka dhashay, halka dalagiina uunan soo bixin.
Afayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramadda midoobay Stephane Dujarric ayaa sheegay Maalinkii Arbacada in abaaruhu ay kasii darayeen iyadoo 954,000 oo caruur Soomaali ah wajahayaan nafaqa darro waxaana oo walaac ka muujiyay xaaladda caruurtaasi.
Kooxda Gargaarka ee Qaramadda midoobay ayaa sheegtay inay isu diyaarinayaan sIdii ay u heli lahaayeen qorshe ay uga jawaabaan Abaarta Soomaaliya iyagoo la tacaalaya Raashin la’aanta jirta.
Inta u dhexeeysa Bilaha May ee hada bilowga ah iyo October ayuu Afayeenku sheegay in kooxda Qaramadda midoobay ay ku dadaali doonto Sidii ay ugaari lahaayeen deegaanadda ugu daran ee Abaartu ay ka jirto ee dalka Soomaaliya .
Si loo meelmariyo qorshaha gargaarka ee Soomaaliya 2019, waxaa waxay Jimciyada Qaruumaha ka dhexaysa sheegtay in loo baahanyahay lacag ka badan 1 million oo Dollar, Gaabis kasta oo ku yimaada bixinta dhaqaalahaas waxay kooxda gargaarka ee Qaramadda midoobay sheegeen inay keeni karto in dad badan ay waayaan Biyo iyo Cuno ay noloshooda ku maareeyeen.
Xaaladda Abaarta ee kasii dareeysa iyo Dadka gargaarka u baahan ee sii badanaya gudaha dalka Soomaaliyaya ayayna sheegeen inay keentay waxaa Roobkii Deyrta oo aan ka di’in deegaano badan oo dalka Soomaaliya ka mid ah iyo deeganadii uu roobku ka curtay oo uusan si wanaagsan uga di’in

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here