Qaraha ugu weyn dunida oo laga helay dalka Japan

Dalka Japan ayaa waxaa laga helay qarihii ugu weynaa dunida iyada oo si weyn la isku la dhex marayay baraha bulshada.
Ilaa aad ku noolaan jirtay dhagax hoosaad tobankii sano ee la soo dhaafay ama wax ka badan, waxaad u badan tahay inaad aragtay sawirro qaraha laba-geeska Japan ee aadka loo hadal hayay.
Miraha sida buuxda loo qoray ama u cabiran ayaa ganacsi weyn ku leh dalka Japan, mana ahan wax aan caadi aheyn in kuwa ugu caansan uguna noocyada badan ay jecel yihiin inay ku iibiyaan kumanaan doolar halkiiba.
Dabayaaqadii 2016, milkiilaha dukaan dalkaasi Japan ayaa qabsaday cinwaanada wargeeysyada caalamiga ah ka dib markii uu $ 11,000 uu ka bixiyay canab kaas oo noqday midka adduunka ugu qaalisan.
Arrintan ayaa la sheegay inay ku dhisan tahay dhaqanka dadka reer Japan.
Dalka Japan Miraha dhif iyo naadirka ah ayaa lagu iibiyaa lacago qaali ah kadibna hadiyad ahaan loogu geeyaa si ay u muujiyaan ixtiraamkooda qof.
Waxaa soo saaray beeraleyda Takamatsu 50, sano ka hor, , si ay kor ugu qaaddan sumcadooda beeralleyda ee waddanka, qaraha labo geesoodka ah ayaa astaan u ah Japan iyo badeecad aad u qiimo badan.
Maaha wax aan caadi ahayn in qaraha labo geesoodka ah lagu iibiyo qiyaastii $ 100 doolar, in ka badan qiimaha qaraha caadiga ah.
Qarahan ayaa la sheegay inuu dhadahan fiican lahayn balse uu gaari karo ila hal sanno.
In kasta oo dunida inteeda badan dhadhanka miraha ay runtii tahay tayada dadku ugu jecel yihiin, gudaha Japan, waxaa ay fiiriyaan qab ahaan muuqaalka miraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here