Qaramada midobay oo war ka soo saartay Doorsahooyinka Soomaaliya

Xubnaha Golaha Amaanka ee Jimciiyada Qaruumaha ka dhexaysa ayaa warbixin kale ka soo saaray doorashooyinka Soomaaliya.
Warka QM ayaa waxaa lagu sheegay inay garwaaqsadeen horumarka laga sameeyay diyaargarowga loogu jiro in Soomaaliya lagu qabto doorashooyin qaran dabayaaqada sannadka 2020 ama horraanta sannadka 2021, waxayna soo dhoweeyeen kaalinta ay arrintan ku leeyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Guddiga Madaxabannaan ee Doorashada Qaranka (GMDQ).
Xubnaha Golaha Amaanka ee Jimciiyada Qaruumaha ka dhexaysa waxay mar kale xaqiijiyeen inay dhowrayaan gobanimada, midnimada dhuleed, madaxbannaanida siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya.
Xubnaha Golaha Amaanku waxay ku celiyeen inay filanayaan inay dhici doonaan doorashooyin qof iyo cod ah oo nabdoon, daahfuran, waqtigooda ku dhaca, lagu kalsoonaan karo oo loo wada dhanyahay, u ogolaada tirada ugu badan ee suurtagal ah ee muwaadiniinta inay codeeyaan, ayna lagama maarmaan tahay in la qabto dabayaaqada 2020 ama horraanta 2021, si waafaqsan Dastuurka Federaalka Ku Meelgaarka ah ee Soomaaliya.
Xubnaha Golaha Amaanku waxay sheegeen in dib u dhac kasta oo ku yimaada doorashooyinka Soomaaliya uu keeni karo khatar iyo in doorashooyinka oo waqtigooda lagu qabto ay muhim u tahay xasilloonida siyaasadeed ee dalka.
Xubnaha Golaha Amaanku waxay soo dhoweeyeen meelmarinta Sharciga Doorashooyinka Balse waxay sheegeen inay jiraan arrimo lagama maarmaan ah oo u baahan in la xalliyo,waxyna ugu baaqeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo wada shaqayn kala yeelanaya Guddiga GMDQ wadatashina kala yeelanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamul Goboleedyada Federaalka ah, iyo saamilleyda kale ee ay taladu ka dhexeyso, inuu qaado tallaabooyin degdeg ah oo uu arrimahan ku kala caddeynayo si ay u suurtagasho hirgelinta Sharciga Doorashada, sida: qeexidda degaan doorashooyinka, u qoondeynta kuraasta degaan doorashooyinka, sida lagu hirgelinayo qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ka ah, ee ay Soomaaliya ballanqaadday iyo sida lagu maareynayo kuraasta Gobolka Banaadir iyo Somaliland.
Xubnaha Golaha Amaanku waxay sheegeen inay ka xunyihiin in Guddiga GMDQ uusan si xor ah uga hawgeli karin dhammaan maamul Goboleedyada Federaalka ah, Xubnaha Golaha Amaanku waxay sidoo kale ku dhiirigeliyeen hay’adaha iyo mas’uuliiyiinta Soomaaliyeed ee heer kasta inay abuuraan jawi siyaasadeed iyo mid amni oo suurtageliya doorashooyin loo wada dhanyahay.
Xubnaha Golaha Amaanku waxay Hoosta ka Xariiqiin muhimadda ay leedahay iskaashi buuxa oo dhexmara Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada, waxayna sheegeen inay ka walaacsanyihiin maadaama iskaashigaasi uusan meelaha qaar si buuxda uga jirin, inuu hakan doono horumar laga sameeyo arrimaha qaran ee mudnaanta leh, oo ay ka midyihiin hirgelinta Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka, ka miradhelinta Qorshaha Kalaguurka ee ay Soomaali garwadeenka ka tahay, ka miradhelinta dibuhabeyn dheeraad ah oo lagu sameeyo hay’adaha maaliyadda, dib u eegidda dastuurka iyo hirgelinta doorashooyin waqtigii loogu talagalay ku dhaca.
Golaha Amaanku wuxuu ku baaqay wadatashi ballaaran iyo isafgarad-dhisid dhexmara Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulada gobolada waxayna ugu baaqeen dhammaan dhinacyada ku hawl leh inay joojiyaan kordhinta xiisadaha iyo qaadidda tallaabooyin ay u badan tahay inay wadahadalka sii adkeyso, oo ay ka midyihiin kuwa ka dhanka ah qoraalka ama nuxurka Dastuurka Federaalka Ku Meelgaarka ah ee Soomaaliya.
Xubnaha Golaha Amaanku waxay mar kale ku celiyeen sida adag ee ay u taageersanyihiin Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya, Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), waxayna bogaadiyeen dadaalka ay ku taageerayaan hay’adaha Soomaaliyeed, Baarmalaanka Federaalka Soomaaliya, iyo Guddiga GMDQ diyaargarowga ay ugu jiraan doorashooyinka qorsheysan in la qabto dabayaaqada 2020 ama horraanta 2021, dadaalladooda ay ku taageerayaan Soomaaliya si loo sugo amniga dadka Soomaaliya, waxayna soo dhoweeyeen dadaallada lagu sii xoojinayo xiriirka ka dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.
Xubnaha Golaha Amaanku waxay garowsadeen in toddobaadyada iyo bilaha soo socda ay marxalado muhim ah u noqon doonaan Soomaaliya waxayna Xuseen inay sii wadi doonaan dib u eegid ay ku sameeyaan xaaladda ayna si dhow ula socon doonaan hirgelinta doorashooyinka iyagoo ugu danbayntii hoosta ka xariiqay taageerada ay u hayaan nabadda, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here