Qaramada midoobay oo baaq ka soo saartay dagaalka dalalka Armenia iyo Azerbaijan

Xoghayaha guud ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa Mr. Antonio Guterres ayaa wadamada dagaalamaya ee Armenia iyo Azerbaijan ugu baaqay in mid kasta uu ilaaliyo heshiiska xabad joojinta ee la gaaray.
Sidoo kale waxaa uu cambaareeyay dilalka shacabka loogu geysanaya gobolka Nagorno-Karabakh ee dalalkan ay ku muransan yihiin.
Waxaa uu si gaar ah u dhaliilay weerar gantaal loo adeegsaday oo maalinkii sabtida ka dhacay magaalada Ganja ee dalka Azerbaijan oo lagu dilay 13 qof oo ay carruur ka mid yihiin.
Sida ay ku warramaysa wakaaladda wararka ee Interfax oo soo xiganaysa maamulka difaaca ee gobolka Nagorno-Karabakh ilaa iyo hadda waxaa dagaalka lagu dilay 710 sarkaal oo militari ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here