Qaramada Midoobay oo bogaadisay doorka Haweenka Soomaaliyed

SRSG for Somalia Security Council meeting The situation in Somalia Report of the Secretary-General on Somalia (S/2020/121)

Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Awgeed, ayaay Qaramada Midoobay waxay bogaadisay dowrka haweenka Soomaaliyeed ay ka cayaareen horumarka dalkooda, waxayna sidoo kale dhiirrigelineysaa dadaallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo ka-qeybgalkooda dhammaan arimaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.
Wakiilka Gaarka ah ee Jimciiyada Qaruumaha ka dhexaysa u qaabilsan arimaha dalka Soomaaliya James Swan wuxuu sheegay in Haweenka Soomaaliyeed ay waxqabad muhiim ah ka geysteen dib-u-dhiska dalkooda Hooyo oo ku sii socda tubta nabadda iyo xasilloonida taasina ay muujinayso geesinimo aad u weyn, adkeysi iyo dadaal iyagoo wajahaya caqabado badan, oo ay ku jiraan colaado daba-dheeraaday, amni darro, musiibooyin dabiici ah iyo xasillooni darro siyaasadeed.
wuxuu Nasiib darro, ku Tilmaamay in doodaha amniga ee khuseeya haweenka ayaa inta badan u muuqdaan inay yihiin dhibanayaal ayna yartahay in lagu tilaamo inay yihiin wakiilo firfircoon oo muhiim u ah hagaajinta xaaladda amni ee naftooda iyo dadka kaleba arinkaas oo ay tahay in wax laga badalo.
Hal-kudhigga sanadkan ee Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka ayaa ah ‘Waxaan ahay Jiilka Sinaanta: Xaqiijinta Xuquuqda Haweenka.’ Ka-hor doorashada Soomaaliya ee soo socota ee qof-iyo-codka’ ah, Bahda Qaramada Midoobay ee ka hawlgasha Soomaaliya waxay ku boorineysaa dhammaan saamailayda Soomaaliyeed ee hawshu khusayso, gaar ahaan hoggaanka siyaasadeed, inay taageeraan matalaadda haweenku ku leeyihiin siyaasadda, go’aan gaarista, iyo inay dammaanad qaadaan in sinnaantu noqoto xaqiiqo dhab ah oo kamid ah nolosha dhamaan dadka Soomaaliyeed, iyadoon loo eegin jinsigooda, Sidaas darteed, Qaramada Midoobay waxay si xooggan u taageereysaa qoondada haweenka ee ugu yaraan boqolkiiba 30 ee matalaadda baarlamaanka.
Qaramada Midoobay waxay sidoo kale dhiirrigelinaysa dadaalka dardadrgelinta leh ee madaxda qaranka ku bixinayaan Hindise-Sahrciyeedka Xadgudubka Jinsiga ee qabyada ah iyo Hindise-Sharciyeedka Gudniinka Gabdhaha, oo asaas u ah ilaalinta xuquuqda haweenka ku nool Soomaaliya.
“In haweenku si siman u helaan xuquuqda, fursadaha iyo ka-qaybgalka waa astaan muhiim u ah xaqiijinta ajandaha horumarinta qaran ee Soomaaliya, sidaas waxaa yiri James Swan Wakiilka Q.M ee Soomaaliya oo intaas ku daray inay dhamaan arimahaasi ku imaan karaan oo kaliya tallaab wadareed ay qaadaan dhamaan dadka Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan kuwa talada haya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here