Qaramada Midoobay oo cambaareysay dil loo geestay saddex kamid ah shaqaalaha gargaarka dalka Suudaanta Koonfureed

Hay’adda gargaarka ee Qaramada Midoobay ayaa Arbacadii cambaareysay dil dalka Koonfurta Suudaan loogu geeystay saddex kamid ah shaqaalaha gargaarka.
Dilka ayaa ka danbeeyay ka dib dagaal dhex maray bulshada ku nool Jonglei Waqooyi Bari dalkaasi.
Alain Noudehou, oo ah isku duwaha arrimaha bani’aadanimada dalka Koonfurta Suudaan ayaa ugu baaqay in la soo afjaro dagaalada wiiqay dadaalka gurmadka iyo ka hor taga fayraaska koroona.
Dagaalka dhex maray bulshada ayaa waxaa ku dhintay kuna dhaawacmay boqolaal qof halka tiro intaas ka badan ay ku barakaceen.
Warbixin lasoo saaray sannadkii 2018-kii ayaa lagu sheegay in dalka Koonfurta Suudaan uu kamid yahay wadamada ay adag tahay in shaqaalaha gargaarka ay ka hawl galaan iyada oo tan iyo 2013-kii lagu dilay in ka badan 100 ka mid ah hawl wadeenada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here