Qaramada midoobay oo codsatay 2 bilyan oo doolar oo lagula tacaalaya Coronavirus

Xoghayaha guud ee jimciyadda qurumaha ka dhaxaysa Mr. Antonio Guterres ayaa cudurka Coronavirus ku tilmaamay halis soo foodsaartay nolosha aadanaha.
Waxaa uu ku baaqay gargaar bani’aadanimo oo caalami ah kaasoo la doonaya in lagu aruuriyo 2 bilyan oo doolar.
Lacagtan ayaa wadamada saboolka ah ka caawinaysa inay la tacaalaan cudurka Covid-19 ee saameynta ba’an yeeshay.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo dhanka kale ay sii korortay tirada dadka ee cudurka ugu dhintay wadamada qaaradda Yurub.
Dalka Spain ayaa 24-tii saacadood ee la soo dhaafay waxaa laga diiwaangeliyay kiisas dhimasho oo kor u dhaafaya 700.
In ka bada 471,400 qof guud ahaan caalamka ayaa cudurkan uu saameeyay , waxaa ka bogsaday ugu yaraan 114,000 halka ay u dhinteen qiyaastii 21,000 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here