Qaramada midoobay oo dalbatay in la baaro geeridii Mursi

Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa gaar ahaan xafiiska u qaabilsan xuquuqul aadanaha ay ku baaqay in baaritaano qoto dheer oo madax bannaan lagu sameeyo geeridii madaxweynihii hore ee Masar Maxamad Mursi.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo weli kummanaan qof oo ku nool bariga dhexe ay ammaan u jeedinayaan hoggaamiyahan oo laba maalmood ka hor geeriyooday.
Qaramada midoobay ayaa sheegtay in la doonayo in la sameeyo baaritaano daahfurnaan ay ku dheehan tahay kaddib markii la soo tabiyay in Mursi uu dhacay isagoo maxkamad gudaheed ku sugan ka hor inta uunan dhiman.
Dalabaadka qaramada midoobay ayaa waxaa qeyb ka ah in baaritaanada lagu eego arrimo kala duwan oo la xariira sanadihii uu Mursi xabsiga ku jiray.
Afhayeenka qaramada midoobay ee xuquuqul aadanaha, Rupert Colville ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in waxyaabaha loo baahan yahay in la caddeeyo ay ka mid yihiin xaaladihii uu Mursi wajahayay intii uu xirnaa, daryeel caafimaad ma heli jiray , dhibaatooyin kale ma loo gaystay sido kalena ma loo oggolaa inuu la kulmo xubnaha qoyskiisa iyo qareenadii matalayay.
Dowladda Masar ayaa dhankeeda beenisay eedeymo loo jeediyay oo ahaa in madaxweynihii hore Maxamad Mursi ee dhawaan geeriyooday si xun loola dhaqmay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here