Qaramada midoobay oo digniin ka soo saartay arrimaha Liibiya

Mid ka mid ah kooxa ku dagaalamo Libya

Jimciyadda qurumaha ka dhaxaysa ayaa sheegtay in dhibaatooyin dheeraad ah ay ka dhalan karaan dagaallada ka taagan wadanka Liibiya .
Waxay digniin u dirtay dalalka shisheeye ee lagu eedeyo inay kala taagerayaan dhinacyada is haya.
Waxay hoosta ka xarriiqday in hadii la sii wado garab siinta dhinacyada siyaasad ahaan iska soo horjeeda ay xaaladda Liibiya faraha ka bixi karto.
Digniintan waxaa soo saaray ergeyga ku meel gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan wadanka Liibiya Stephanie Williams.
Muddo hal bil ah oo la soo dhaafay waxaa kordhay khasaaraha shacabka ka soo gaaraya iskudhacyada ciidamada dowladda Liibiya iyo kuwa ka soo horjeeda ee uu hoggaamiyo Khalifa Haftar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here