Qaramada Midoobay oo eedeyn kala dul dhacday ciidamada Chille

Qaramada midoobay ayaa sheegtay in ciidamada booliska wadanka Chile ay adeegsadeen awood xad dhaaf ah oo aan loo baahneyn ka dib markii ay ku xad-gudbeen dibadbaxyaal isuguy soo baxay wadooyiinka.
Booliska ayaa lagu eedeeyay in dibadbaxayaasha ay u gaysteen jir dil iyo awood xad dhaaf ah.
Xafiiska xuquuqal insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa warbixin ku sheegay inay diiwaan geliyeen “tiro aad u badan” oo dad ah kuwaaso oo gaaraya 345 qof oo qaba dhaawacyo indhaha ah ka dib markii ay ku dhacday rasaas ay adeegsadeen ciidamada.
26 qof ayaa la dilay tan ila iyo bishoo Oct markii ay dibadbaxyada ka bilawdeen dalka Chille kuwas oo si dhaqsiya leh loo xakameeye.
Dibadbaxayaasha ayaa xiligaas ka soo horjeeday sare u kac ku yimid qiimaha tareenada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here