Qaramada midoobay oo eedeyn u jeedisay ciidamada ammaanka ee Venezuela

Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa sheegtay in saraakiisha ammaanka ee dalka Venezuela ay gaysteen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqul aadanaha.
Tacaddiga loo haysto inay ku kaceen waxaa ka mid ah dilal iyo jirdil.
Warbixinta ay soo saareen dambi baarayaasha qaramada midoobay ayaa lagu xusay inay jiraan cadeymo wax ku ool oo tilmaamaya in madaxweyne Nicolas Maduro iyo wasiiradiisa arrimaha gudaha iyo gaashaan dhigga ay bixiyeen amarrada xadgudubyadan ay ka dhasheen.
Qodobbada warbixinta ku xusan waxaa ka mid ah in howlgallada amni la doonayay in lagu aamusiiyo xubnaha mucaaradka ee sida weyn u dhaliila dowladda madaxweynaha dalka Venezuela , Nicolas Maduro.
Arrimahan ayay qaramada midoobay shaaca ka qaaday kaddib in ka badan 270 wareysiyo ah oo ay la yeelatay dhibanayaal , marqaati, qareeno iyo saraakiil horay uga tirsanaa ciidamada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here