Qaramada midoobay oo eegaysa arxaan darrada booliska Maraykanka

Golaha qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha xuquuqul aadanaha ayaa lagu wadaa inuu yeesho dood degdeg ah oo ku saabsan eedeymaha loo soo jeediyay ciidamada booliska ee Maraykanka ee la xiriira cunsuriyanimo .
Sido kale waxaa la eegi doonaa arxaan darrada saraakiisha ammaanka iyo inay si rabshadeysan uga jawabeen dibadbaxyo nabdoon oo dhacay iyo in kale.
Arrinkan ayaa shaaca looga qaaday bayaan ay soo saartay jimciyadda qurumaha ka dhexeysa.
Go’aanka uu qaatay golaha xuquuqul aadanaha ee qaramada midoobay ayaa yimid kaddib codsigii dowladda Burkina Faso oo matalaysa wadamada Afrika ay soo gudbisay toddobaadkii hore.
Dhimashadii George Floyd oo madow Amerikaan ahaa ayay qaramada midoobay ku tilmaantay nasiib darro.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here