Qaramada midoobay oo ka digtay xanuuno maskaxeed oo caalami ah

Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa ayaa soo saartay digniin ku aaddan in cudurka covid-19 ee dunida saameeyay awgiis dadweynaha caalamka ku nool ay ku soo fool leedahay dhibaato dhanka maskaxda ah.
Khuburrada caafimaadka ee qaramada midoobay ayaa sheegaya in cudurka uu sababay dhimasho badan sido kalena uu malaayiin qof u horseeday saboolnimo , murugo iyo in meelo gaar ah lagu hayo.
Agaasimaha hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO u qaabilsan waaxda caafimaadka maskaxda Devora Kestel, ayaa arrinkan shaaca ka qaadday.
Waxay hoosta ka xarriiqday in karantiilka, cabsida, saameynta dhaqaale iyo xaaladda oo sida ay ku dambeyn doonto la saadaalin Karin ay sababi karaan walwal wax u dhimaya maskaxda bani’aadamka.
Dowladaha caalamka ayay kula talisay inay isku diyaariyaan la tacaalidda xanuunnada maskaxda saameeya oo laga cabsi qabo inay sare u kacaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here