Qaramada midoobay oo ku dhawaaqday soo dhisidda guddiga dastuurka ee Suuriya

Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Mr. Antonio Guterres ayaa maanta oo isniin ah shaaciyay in la soo dhisayo guddi ka shaqeyn doono arrimaha dastuurka ee wadanka Suuriya.
Tallaabadan ayaa ah mid in muddo ah la sugayay oo kaalin weyn ka qaadan doonto geedisocodka nabadeed.
Mr. Guterres ayaa warfidiyeenada u sheegay in magacaabidda xubnaha guddiga ay jimciyadda qurumaha ka dhexeysa dardargelin doonto.
Waxaa uu xusay in qaramada midoobay ay guddigan oo la soo saari doono toddobaadyada soo socdo u aragto tallaabada ugu habboon ee xal siyaasadeed loogu heli karo dagaallada Suuriya ka jiray in ka badan sideed sano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here