Qaramada midoobay oo sheegtay in Sacuudigu uu dilay Jamal Khashoggi

Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa soo saartay warbixin in muddo ah la sugayay oo ku saabsan dilkii loo gaystay weriye Jamal Khashoggi.
Waxay warbixinteedu ku xustay in baaritaano dheer kaddib oo la sameeyay ay jiraan caddeeymo wax ku ool ah oo muujinaya in boqortooyada Sacuudi Carabiya ay qorsheysay sido kalena ka takhalustay suxufigaasi.
Wariyahan oo dhalasho ahaan ka soo jeeday Sacuudiga ayaa maqaallo u si weyn ugu dhaliilayo hogggaanka ugu sarreeya ee boqortooyada ku soo bandhigi jiray wargeyska The Washington Post ee laga leeyahay Maraykanka.
Agnes Callamard, oo ah sarkaal qaramada midoobay u qaabilsan la tacaalidda dilalka sharci darrada ahaa soo jeedisay in baaritaano qoto dheer lagu sameeyo dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamad Bin Salmaan.
Waxay xafiiska xoghayaha guud ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa kula talisay inuu guda galo baaritaano caalami ah oo lagu eegayo fal dambiyeedkii dhacay 2-dii bishii Tobnaad ee sannadkii hore.
Sido kale soo jeedinteeda waxaa ka mid ah in cunaqabateyn la saaro dhaxal sugaha.
Xukuumadda Riyaadh ayaa dhankeeda gaashaanka u daruurtay waxyaabaha lagu soo bandhigay warbixinta Callamard waxayna ku tilmaantay mid aan sal iyo raad lahayn wax cusubna aan lagu sheegin.
Hasa ahaate dowladda Turkiga ayaa baaritaanada iyo waxyaabaha lagu ogaaday soo dhaweysay waxayna ku baaqday in boqortooyada lala xisaabtamo dilka mas’uuliyaddiisu dusha looga tuuray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here