Qaramada midoobay oo sheegtay in ugu yaraan 100 qof oo shacab ah lagu dilay Suudaanta Koonfureed

Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in dagaalada ka taagan Suudaanta Koonfureed ay sare u sii kaceen iyadoo ilaa iyo hadda lagu dilay in ka badan 100 qof oo rayid ah.
Waxaa warbixintu lagu xusay in ugu yaraan 104 ruux ay ku dhinteen weeraro lagu qaaday tuulooyin ku yaalla gobolka Koonfureed.
Sido kale dhinacyada iska soo horjeeda ee kala taabacsan madaxweyne Salva Kiir iyo ku xigenkiisi hore Riek Machar ayaa kufsaday boqolaal haween ah .
Howlgalka nabadsugidda qaramada midoobay ee Suudaanta Koonfureed ee (UNMISS) ayaa intaasi ku daray in dad shacab ah si ula kac oo arxaan darro ah loogu bartilmaamedsaday dalkaasi tan iyo markii Kiir iyo Machar ay heshiis nabadeed wada saxiixdeen bishii sagalaad ee sannadkii tagay.
Sido kale haween iyo gabdho da’yar ah ayaa waxaa afduubtay kooxo hubeysan si ay xaasas ugu noqdaan.
In ka badan 56,000 oo qof oo shacab ah ayaa dagaalada awgood guriyahooda ka barakacay halka 20,000 oo dheeraad ah ay gudbeen xadka wadankaasi uu la wadaago dalalka Congo iyo Uganda.
Suudaanta Koonfureed oo ay dagaalo sokeeye ka bilowdeen sannadkii 2013 –kii ayaa waxaa lagu dilay 380,000 qof halka ay 4 milyan oo kalena ay barakaceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here