Qaramada midoobay oo sheegtay inay baahi ka jirto Kuuriyada Waqooyi

Khabiir qaramada midoobay u qaabilsan dhanka xuquuqul aadanaha ayaa ka dayriyay cuno yari baahsan iyo nafaqo darro uu sheegay inay ka jiraan Kuuriyada waqooyi.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in xadka wadankaas kala dhexeya Shiinaha oo xiran ku dhawaad 5 bilood iyo tallaabooyinka adag ee lagu xakameynaya cudurka COVID-19 sida karantiilka ay xaaladda halkaas ka taagan ka sii dhigeen mid cakiran.
Tomas Ojea Quintana oo ah ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha xuquuqul aadanaha ee dalka Kuuriyada Waqooyi ayaa walaacan muujiyay.
Waxaa uu golaha ammaanka ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa u soo jeediyay inuu dib uga fikiro xayiraadda horay loo saaray dalkaas.
Bartamihii sagashameedyadii ayay ahayd markii macluul saameysay kuuriyada waqooyi ay u dhinteen ilaa 3 milyan oo qof.
Dhanka kale afhayeenka hay’adda cunnada adduunka ee WFP Elisabeth Byrs oo warbaahinta kula hadashay magaalada Geneva ayaa sheegtay in xaaladda bani’aadanimo ee ka taagan kuuriyada waqooyi ay mugdi ku jirto.
Waxay sheegtay in ugu yaraan 10 milyan oo qof ama boqolkiiba 40 ee shacabka halkaas ku nool ay gargaar bani’aadanimo u baahan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here