Qaramada midoobay oo soo dhaweysay ballanqaad ka yimid Xuutiyiinta Yemen

Ergeyga gaarka ah ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa u qaabilsan dalka Yemen Martin Griffiths ayaa bayaan uu soo saaray ku soo dhaweeyay hadal dhawaan ka soo yeeray kooxda Xuutiyiinta.
Waxaa uu arrin lagu farxo ku tilmaamay ballanqaadka kooxdaasi ee ah inay soo afjarayaan weerarada ka dhanka ah Sacuudi Carabiya.
Waxaa uu intaasi ku daray in haddii hadalkaasi laga dhabeeyo laga gudbayo colaad sanado badan soo jirtay.
Kooxda Xuutiyiinta ayaa gacanta ku haysa magaalada Sancaa iyo qeybo kale oo ka tirsan dalka Yemen waxayna sanadihii ugu dambeeyay dagaal kula jireen isbeheysiga milatari ee uu Sacuudiga hoggaaminayo ee taageeraya dowladda Yemen.
Ballanqaadka kooxdan ayaa ku soo aadaya maalmo un kaddib markii weeraro ay ku qaadeen warshado shidaal oo ku yaalla boqortooyada Sacuudi Carabiya ay boqolkiiba kala bar hoos u dhigeen wax soo saarka saliidda .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here